Cudurka hidradenitis suppurativa (HS) waa cudur daba dheer oo dhaawac iyo dhibaato keena oo soo noqnoqda oo maqaarka ku dhaca oo sababa cabuuq dabo dheerada oo ka bilaabma halka timohu ka soo baxaan.

Sawir: HS oo ku dhacay laabta hoosteeda (Jasmine Ivanna Espy)

Soo deji PDF halkan.

Ku saabsan hidradenitis suppurativa

Hidradenitis suppurativa (HS) – magaca kale ee loo yaqaan yahay acne inversa waa cudur daba dheer oo dhaawac iyo dhibaato keena oo had iyo jeer yimadaa marka qofku qaan gaaro.

HS waxa lagu gartaa finan xanuun leh, qanjirka oo dheeraada, nabarro, iyo dhawaac badanaa ku yimaada, kilinkilooyinka, gumaarka, badhida, hareeraha daloolka dabada iyo laablaabadka maqaarka.

HEERKA KHATARTU, qof ilaa qof way ku kala duwantahay. Dadka qaar xanuun khafiifa ayey ka dareemaan meelo kooban, halka dadka qaarna meelo faro badan ka dareemaan xanuun.

XAQIIJINTA CUDURKA waxa goynaaya Dhakhtar iyada oo lagu salaynaayo bukaanka xanuunadiisa iyo shaybaadh maqaarka ah. Way adkaan kartaa in daaweyn sax ah muddoda hore ee cudurku yimaado, nasiib darro markaa muddo dheer bay qaadan kartaa inta laga helaayo daaweyn sax.

Sababta 

Sababta keenta cudurka HS si buuxda looma koobin, laakiin waxa la filayaa in ay ka qeybqaataan arrimaha la xiriirra difaaca jirka, hidaha iyo bii´ada qofku deggan yahay taas oo door ka ciyaaraysa cudurka korodhkiisa (1).

Cabidda sigaarka iyo buurnida xad dhaafka ahba waxa loo arkaa in ay qeyb ka yihiin waxyaabaha kordhiya khatarta iyo in cudurku sii jiro. 

Cudurka HS ma keeno caabuq, caafimaad darro, lamana kala qaado!  

Calaamadaha Cudurka iyo xadidda goobta uu ku dhacay

CALAAMADAHA CUDURKU bilowga cudurka waxa isxidha timaha guntooda iyo qanjidhada dhididka. Halkan waxa ku samaysmaaya finan barar leh, oo qarxaaya oo sii deynaaya dheecaanka ku jira. Calaamado kale waxay noqon karaan finan mad-madow isbeddel ku sameeya maqaarka. HS had iyo jeer waxa ay keentaa xanuun, dheecaan ur- qadhmuun leh iyo nabar samaysmid. Kuwan oo nolosha qofka saameyn badan ku yeelan kara.


Sawir: Waxa la siidaayey iyada oo ogolaansho laga haysto Jasmine Ivanna Espy, Instagram (@whoisivanna))

JINSIGU waxa uu saameyn ku leeyahay xadidida goobta. Dumarka badanaa waxa uu kaga dhacaa xubinka taranka, qeybta sare ee bowdada, kilinkilada, laabta, badhida iyo/ama dilaaca badhida. Raggana badanaa waxa uu kaga dhacaa, guska, bowdada, kilinkilada salka, hereeraha daloolka dabada, badhida iyo/ama dilaaca badhida.

Waxa kale oo cudurku rag iyo dumarba kaga dhacaa goobaha xoqniinku ku badan yahay. Meelahaasu waxay noqon karaan dhexda, laalaabka caloosha ama laalaabka maqaarka, waana goobo had iyo jeer oo ciriiri geliyo suun.

HEERKA KHATARTU qof ilaa qof way ku kala duwantahay. Dadka qaar waxay leeyihiin finan marmarka qaar qarxa, halka dadka qaarna calaamadaha cudurka maalinba ka muuqdaan, caabuuq badan iyo guntimona ku yimaadaan. 

CUDUR JOOGTO AH. HS wuxuu ka muuqdaa maqaarka, hasae ahaatee dhaawaca iyo dhibaatada daba dheeri waxay saamaysaa xubno badan, qofka qaba HSna cudurada kalena way ku soo degdegaan, cudarada loo yaqaano in ay cudur kale la socdaan (cudurada faafa). HS waxa lala xiriiryaa in ay badan tahay khatarta uu sababi karo dhibaato ku dhacda dheefshiidka, walaac, murugo, cudurka macaanka, cudurka Chrohns sykdom (mindhicirka oo infekshan ku dhaco) iyo cudurka Ulcerøs kolitt (malawadka oo infekshan ku dhaco)

Tusaaleyaal muujinayaa sida uu u eegyahay cudurka HS: riix halkan Dermnet

Immisa qof ayaa qaba cudurka HS

QEYBTA REER GALBEED addunka ka degganyahay waxan qiyaasaynaa in 0.4 % ay qabaan HS. Qiyaastii 1 % bulshada Norway deggan ayaa qaba cudurka, laakiin diraasad baa tilmaaysa in gaadhsiisan 1.7 % bulshadu wakhti ka mid ah noloshooda uu ku dhici doono HS (1, 2). 

DA´IYO JINSI. Calaamadaha HS sida caadiga ah waxay ku bilaabmaan marka la gaadho xilliga qaangarka ama marka da´du 40 sano marayso. Badanaa dumarka ayuu cudurka HS ku badan yahay (1). 

Sawir: HS ku dhacay kilinkilada (Tøri Gjendal)

Saadaasha iyo daaweynta

HS WAA CUDUR DABO DHEER, taas oo macneheedu yahay in la heyn daawo rasmi ah. Nasiib wanaag waxa jira daaweyno badan oo keeni kara in qofku mudooyinka qaar uu helo mar dhibka iyo dhibtaadu ku yartahay ama ka maqan tahayba. Doorashada daaweyntu waxay ku xidhantahay saameynta cudurku ku leeyahay heerka khatarta ee cudruku maraayo ee lagu xaqiijiyo shaybaarka (1).

WAXA AAN LAGU TALINAYN in finanka la dalooliyo oo dheecan laga shubo (1). Inkasta oo si degdega qofku nefis uga dareemaayo kaarka, haddana ixtimaalka in finanka ama dheecanku dib u soo noqdaan waxan ka badan tahay 90 %.

TALAABOOYINKA DAAWEYNTA. Daaweynha kala duwan waxan ka soo qaadi karna in ay yihiin talaabooyin la maraayo. Talaabooyinka hoose waxay khuseeyaan cudurka markuu fudud yahay, halkaa kuwa sare ay khuseeyaan marka cudurku khatarta gaadhsiisan yahay.

TALAABADA 1AAD: Daaweynta goobta

  •     Antibiotikada maqaarka la mariyo
  •     Dhiiqada jeermiska

TALAABADA 2AAD: antibiotikada iyo qaliin

  •    Antibiotika kiniin ah
  •    Qaliin  (sida qolof ka qaadid ama laaserka CO2).

TALAABADA 3AAD: daawooyinka lagu dheelitiray difaaca jirka

  •     Tallaalka Adalimumab (daawo laga sameeyo nole sida bakteeriya).

Ka sii akhri dheerad ku saabsan daaweynta HS (ku qoran norwiiji). 

La noolaanshaha cudurka dabada dheer ee HS

In lala noolaado cudurka dabada dheer ee HS aad bay u adkaan kartaa, maadaama ay saamayn karto, caafimaadkaaga jireed, caafimaadkaaga maskaxda iyo xiriiradaada. In cilmi loo yeesho cudurka waxay fududeynaysaa culeyska maskaxeed ee saguna qofka ku dabo dheeran kara. Taas oo markaa kensanaysa in qofku aanu cudurka qarsoon ee xataa uu tageero ka raadsan karo bii´adiisa.

KARTIDA SHAQADA IYO HAQABTIRKEEDA Dadka qaba cudurka HS si fiican ayey u shaqeyn karaan markay shaqada joogaan haddi xaaladaha loo haqabtiro. Haqab tirku waa mas´uuliyad saaran Loo shaqeeyaha, isaga oo markaa la kaashanaaya Dhakhtar, ayaa goobtaada shaqo loo waafajinayaa sida ugu haboon shaqada aad qaban kartid.

NIDAAMYADA DHEEFTA. Qofka qaba cudur dabo dheeraanaya waxa uu xaq u yelaanayaa in uu helo taageero uu ku soo qaato dhayitaan iyo daawooyinka Dkakhtarku qoro. Si wixii kharash ah dawladdu(folketrygden) kuugu soo celiso, marka hore waa in aad codsatid oo nidaamka laguu ogolaado, codsigaas oo uu gudbinaayo Dhakhtarkaaga maqaarka

Ka sii akhri xuquuqdaada marka uu ku hayo xanuun daba dheer!

Haddii aad haysid su´aalo ku saabsan xuquuqdaada markad aad qabtid xanuun dabodheer, la soo hadal FFO telefoonkooda xuquuqda, Telefoonlambar +47 23 90 51 55.